Daawo: Cumar Cabdirashiid oo xog ka bixiyay dalab xasaasi ah oo ay hordhigeen Xasan

0
29

Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa faah-faahin ka bixiyay dalab la xiriiray Puntland oo madaxdii hore ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii uu socday shirkii wadatashi.

Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka codsadeen in maamulka Puntland lagu soo daro go’aamada Madasha ka hor inta aan sharciyadda loo gudbin, xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia.

“Waxaa ka codsanay in arrintaan (heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran) in aan lagula deg degin Baarlamaan iyo sharciyad oo dadka aragtidood ku darsadaan. Marka Baarlamaanka oo haysta aragtiyada kala duwan ee siyaasiyiinta iyo bulshada,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Puntland maadaama ay ka maqan tahay in arrintaan lug ka maqan tahay oo ayadana qeyb ka noqoto inta aan waxaan sharciyada loo gudbin.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii ka qeyb-galay shirka ay gaareen is-faham, ayada oo madaxdii hore ay madaxda sare ee dalka la wadaageen talo soo jeedintooda ku aadan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, oo qodobo kamid ah ay horay uga horyimadeen.

“Arrimihii madasha ayaa qodob qodob u dul istaagnay, oo madaxweynaha waxa uu codsaday in maadaama arrintaan ay Baarlamaan tageyso haddii la helo karo aragtida guddoonka iyo ra’iisul wasaaraha, ha la keeno ayaa dhahnay waa fiican tahay, iyaga oo jooga in aragtidayada dhageystaan faa’iido ayay u tahay dalka.”

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayuu sheegay inay bogaadiyeen howl-gallada ay wadaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

“Waxaa rajeynaynaa in guullo waaweyn laga soo hooyo haddii Ilaahay yiraahdo. Ciidanka hadda waa dhismayaa dagaalna waa ku jira. Markasta caqabado ayaa jiraya oo waxa rajeynaynaa in si fiican loo galo wejiga labaad ee dagaalka.”

Waxa uu intaas kusii daray “Mararka qaar aragtiyo ayaa lagu kala duwanaan kara laakiin aysan jirin wax xumaan iyo caqabad ah oo la isku dhigayo, kaliyana laga wada-hadlayo sidii aragtiyaasha loo mideyn lahaa dalkana hore ugu socon lahaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in sii socoshada kulamada wadatashi ee u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo kuwii hore ay tahay tallaabo wanaagsan oo rejo fiican u abuureysa Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here