Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo Agaasimayaasha hore ee ka qeyb-gallay Kulankii Wada-tashiga ahaa ee shalay lagu soo gaba-gabeeyey Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyay warbixintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo Tallooyinkii ay ku kabeen-dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu muujiyey sida uu mudnaanta u garaacayo talooyinka iyo aragtiyaha guud ee kala duwan ee shacabka iyo isticmaalka Soomaaliyeed.
Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wada-hadallada ee uu fidiyay madaxweynaha.
Sidoo kale madaxdu waxay Heshay in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab istaageen halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee loo socdo Alshabaab lagu cirib tirayo.
Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku hogaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Fedraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow , Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.
Madaxdaan ayaa Muqdisho ku soo gabagabeysay shir u socday labo maalmood kaas oo ay uga arrinsadeen xaaladda dalka iyo halka loo jaheynayo dalka waxbarashada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay ayaa sheegay in tallooyin badan ay madaxda ku biiriyeen qorshaha doorashada ee ka hortagga masiiriga dalka, isagoo balan qaaday in taladooda ay muujinayaan.