Al-Shabaab oo weeraro culus ku qaaday magaalada Baydhaba

0
37

Baydhaba (caalamka.net) –  Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba weerar oo ay xalay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab ayaa weeraradan ku beegsatay saldhig ay ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Makuundo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay iska caabin sameeyeen, kadib weerarada uga yimid Al-Shabaab, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weeraradaan ay barbar socdeen madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Baydhaba, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan saddex madfac ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Maalmihii u dambeeyay xaaladda Baydhabo ayaa aheyd mid kacsan, waxaana sidoo kale culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab oo go’doon ganacsi gelisay magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.

Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here