Muqdisho (caalamka.net) – Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ahaa siyaasiyiintii uu dhawaan shirka isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga wareystay khilaafka maamul ee ka jira gobolka Hiiraan.
Dr. Cabdinuur oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa taageero weyn u muujiyey guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoo aad u dhaliilay go’aankii uu xilka uga qaaday Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Dr. Cabdinuur ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay wax ka maqlaan welina ku xiran yihiin go’aanada Cali Jeyte, isagoo cadeeyey in guddoomiyaha gobolkaas uu u yaqaano Cali Jeyte.
Wuxuu ku dooday inuu tix-gelinayo rabitaanka dadka reer Hiiraan iyo waaqica jira, taas oo tallaabadii uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte ka dhigeysa gardarro, sida uu hadalka u dhigay Dr. Cabdinuur.
Sidoo kale digtoorka ayaa wareysigaan uu siiyey Universal TV wuxuu ku sheegay in Cali Jeyte uu mudnaa abaal-marin iyo qadarin dheeraad ah, markii la eego sida uu dagaalka Al-Shabaab ugu jiheeyey dadkiisa.
“Xilku waa meerto waana la iska qaadaa, laakiin Cali Jeyte waa halyey umadaan u soo baxay, wuxuu mudnaa in lagu abaal-mariyo, horayna waan u sheegay cadaalad maaha in qof aad shaqo u dirsatay, isagoo ku sii maqan inaad xilka ka qaado,” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed.
Sidoo kale musharax hore Cabdinuur, wuxuu sheegay in reer Hiiraan afkooda uu ku hadlo Cali Jeyte, “Cabsi kama qabo in reer Hiiraan ay ku dagaalamayaan Beledweyne cabsi kama qabo taas oo reer Hiiraan ma diriraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kala hadleen khilaafkaan, isla markaana uu qado dadaalo si hoose u socda oo lagu soo afjarayo khilaafkaan.
“Wax kasta oo reer Hiiraan ay rabaan ayaan qabnaa in la sameeyo, HirShabeelle dacwooyinka laga tirsanayo iyo qaabka ay u dhisan tahay waxaan kala hadlay madaxweynaha dalka, waxaana soo jeediyey in guddi gaar ah loo xil-saaro,” ayuu yiri.
Hoos ka daawo