Baladweyne (caalamka.net) – Guddoomiyaha hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay shalay magaalada Beledweyne ka ciidamada ciidan ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle ee ka howlgala.
Ciidamadan oo ka buuxin dhowr bilood oo aysan wax mushaar ah ka qaadin ayaa xiray qaybo ka mid ah waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad galka isu socodka gaadiidka ee tallaabo.
Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa la geliyay ku qanciyay in ay gadoodka, isla-aas ay ku soo biireen Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State,
Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol boqol oo dollar. dollar ($100).
” ballan waxaa iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo rabnaa inaad la puraan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annaga la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan,” ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi.
Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishaan gudaheed idinkaga dhigo 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqeyn wacan, wadadana hala furo.”
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaar ah 250 askari aanay sababin afar bilood wax mushaar ah ka helin HirShabelle.
Ciidamada ayaa la sheegay in markii dambe la geeyey goobta uu ka socdo dhismaha Madaxtooyada cusub ee ay Hiiraan State dhisaneyso.
Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Magacaaban ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Macalin (Sufurow) oo qudhiisu ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin ciidamada maamulka.
Tani ayaa imaanaysa, xilli ciidamada Hirshabelle ay ku kala qeybsameen xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) bishii hore ku qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.
Baledweyne ayaa waxaa Mudul ah ka taagan xiisad oo ka dhalatay xil ka qaadistaasi.