Sidee looga fal-celiyay ballanta uu Xasan Sheekh la galay garsoorka hadda jooga?

0
38

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto musuq-maasuqa ayaa shaaciyay ballan uu la galay bahda Garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Garsoorka ay ku balameen in qofna lagu dulmin cadaaladda, xilli uu socdo dagaalka musuq-maasuqa, oo loo soo xir-xiray masuuliyiin dhowr ah.

Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyiintii hore iyo shaqsiyaadka kale ee baxsadka ka ah cadaaladda, inay yimaadan oo gar baxaan, islamarkaana aan cadaalad darro ah lagu samayn doonin.

“Ha cararin, ha dhuumanun haddii aadan tuug ahayn, cadaalad darro in aan qof lagu samayn waa waajib ina saaran. Garsoorka hadda jooga waan ku balanay in qof Soomaali ah ay ku dulmin cadaaladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan oo lasoo dhigay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo bulshada ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdinuur Cali Maxamuud: “Garsoor ma ahan garsoor cid amarkii ku shaqeynaya, garsoor la”aan baa dhaanta.”

“Waxay ka bilaabanaysaa gurigaada waxayna u gudbaysaa bulshada haddaba yaanan la isku xirin garta iyo gardaradda,” ayuu yiri Xasan Mursal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Xasan Khaliif Cali ayaa isna yiri “Mudane madaxweyne musuq-maasuqa waa dilaa weyn waa in aad si dhab ah u la dagaalanto ciribtirkiisa bogaadin.”

Cabdiqaadir Birre: “Ballan kaliya lama rabee hubi inuu sharcigii fulay dabagal fiicana ku samee madaxwayne.”

“Aad iyo aad qofkii carara asaga marqaati iskugu filan, Soomaali saas ha u ogaato,” ayuu yiri Farxaan Axmed.

Xuseen Al-Xaaji ayaa sidoo kale yiri “Cadaaladda aad kula balantay garsoorayaasha waa la joojiya banaan la jiifiya banaan. Mana la aamini karo ila daadka guryaha ku dhistaay xoolaha shacabka in lagala wareego.”

“Tan kale madaxweynaha hadii uu ku yimiid musuq-maasuuq ma laga yaabo in uu saaxiibkii u xiro musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.”

Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Boqolaal ayaa xabsiyada Xamar iyo kuwa gobollada ku xiran, maxay galabsadeen?. Teeda kale shacabka marin-habaabinta ka daa madaxweyne.”

Cali Jabiin Xuud ayaa isna yiri “Garsoorka Naftirkiisa aaba musuqa kow ka ah wallaahi sidaba horey loo cadeeyay.”

“Ha cararin ee kaalay gar bax eedeysanoow,” ayuu yiri Saadaq Maxamed.

Cabdisamed Cartan Axmed: “Garsoorka ku laabo meeshii aad ku oge6d ma joogaan shaafto ayey barteen.”

Cabdicasiis Kulow ayaa isna waxa uu yiri: “Garsoorka madaxda qaranka hada joogto iyo kuwii hore ha uyeero kadib masaakiinta ha ku soo qatimo ileen Soomaaliya waxay tiraa Dibiga qal weesha haku quus-qaadatee.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here