Arrin ka cusub qorshaha ay DF kusoo daabaceyso lacag cusub + Sawirro

0
37

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe lagu soo daabacayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan la qaatay guddiga dib-u-daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna.

Dib usoo nooleynta Shillin Soomaaliga ayuu sheegay inay qeyb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyada oo ay socoto dhismaha iyo howl-gelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in la ballaarinayo la-tashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, Guddiga hagidda mashruuca kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa ra’iisul wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Ugu dambeyntiina kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, howl-galinta xarumaha Bangiga Dhexe ee dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha dhaw dib-u-daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here