Muqdisho (caalamka.net) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo Puntland.
Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu talo ugu jeediyay hoggaanada labada maamul, Muuse Biixi iyo Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay in lagama maarman tahay in saamileyda siyaasadda ay kala fariistaan muranka ka taagan arrimha doorashooyinka.
“Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan.”
Wuxuu kula taliyay hoggaanada Puntland iyo Somaliland in ay xal keenaan kahor inta aysan xiisadaha siyaasadeed ee deegaanadooda ka taagan faraha ka bixin, “kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka.”
Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran;
Talo aan la i warsan oo hoggaanka Somaliland iyo Puntland ku socota.
Haddii aad dib u milicsato taxanaha taariikhda siyaasadda ee Soomaaliya, mar walba oo ay geesawaynta siyaasaddu (Political elite) heshiin waayan duul kale ayaa xukunka gacantooda ka dhufsada.
Geesawayntii siyaasadda ee lixdamaadkii markii ay is diideen, waxaa xukunkii ka xoogay milaterigii, ciidankiina markii lagu kari waayey in ay talada u celiyaan shacabka, xukun rayad ahna dib loogu laabto, odaygii u waynaana uu cid kasta ka aamin baxay, jabhado ayaa xukunkii ka eryaday.
Somaliland iyo Puntland, waxaa ka dhismay maamullo ay xeerbeegti iyo odayadii dhaqanka udub dhexaad u yihiin, halka Koonfurta ay Jabuuti iyo dawlado kaloo shisheeye wax iskugu aadiyeen.
Waxaa muuqata in odayadii dhaqan ee SL iyo PL ay awooddoodii wiiqantay sababo kala duwan awgood, geesawayntii siyaasadduna heshiis ku ahayn maaraynta xukunka marxaladda kala guurka.
Loolanka siyaasadeed ee Koonfurta, inkastoo maalin dhowayd la sigtay, haddana mar walba cunsurka shisheeyaha iyo argagexisada ayaa dheelitirayaal ka ah.
Waxayse geesawaynta siyaasadda Soomaalida ka siman yihiin, gaar ahaan kuwa xukunka haya in ay isku gadaamaan durbaan tumayaal, haadaan ka tuura oo horay u soco hana u joojin ku haya.
Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan.
Halka mar oo iyadoo aysan dawladdii dumin gacanta geesawaynta xukunka laga saaray waa 1969, taana waxaa sabab u ahaa mu’asasada ciidanka oo weli dhisnayd, laakiin markii milaterigii siyaasaddii ku fasahaaday waa tay isla duntay oo ilaa iyo maanta meel laga soo qabto la waysan yahay.
Talada aadnan i warsan ee aan hawada idiin soo marinayaa waxay tahay; yaan qalfoofka la qaawinin oo xaaladdii dabiiciga ahayd la iskula laaban ee kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka.
Haddiise aad diiddaan waxaa hubanti ah, sida uu qaanuunka dabiiciga ah iyo sunnada koonka dhigayso in xaalada hubanti la’aanta ee la geli doono, aadan jilayaasheedii noqon doonin, ama idinkoo intaa ka itaal liita talo ogolaan doontaan.