Muqdisho (caalamka.net) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayada oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan olaha.
Shirka ayaa waxaa diirrada lagu saaray laba qodob oo kaliya, kuwaas oo kala ah amniga guud ee dalka iyo dib-u-habeynta hannaanka iyo maamulka dowladnimada casriga ah.
Ugu horreyn golaha wasiirrada ayaa warbixino ka dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay howlgallada haatan ka socda dalka.
Labada wasaaradood ayaa warbixinadooda kusoo bandhigay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho iyo khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobollada.
Xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale boggaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama deegaano xubno badan laga dilay.
Dhanka kale shirka golaha wasiirada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda.
Sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal ku aadan nimdaamka dowliga ah, si looga gudbo nidaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay ku dhisan tahay dowladda dhexe.