Hay’adda tayo-dhowrka Iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka oo gaaray heshiis muhiim ah

0
38

Muqdisho (caalamka.net) – Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan iyo Mareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa xarunta hay’adda taya-dhawrka ku saxiixday heshiis muhiim ah.

Heshiiskan ayaa dhigaya in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno gudaha Soomaaliya

Maareeyaha hay’adda taya-dhawrka oo ay wehliso maareeye ku-xigeenka hay’adda iyo masuuliyiinta kale ee hay’adda ayaa xafiiska dhexe ku soo dhaweeyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda Isgaarsiinta iyo teknolajiyada, Mareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweynta kadib mareeyaha hay’adda taya-dhawrka iyo maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka qalinka ku duugay heshiiskaas, kaasi oo goobjoog ka ahaayeen wasiir ku-xigeenka wasaarada isgaarsiinta iyo teknolojiyada iyo masuuliyiin kale.

Heshiiskan cusub ee gaareen labada hay’adood ayaa waxa uu abuurayaa qaab-dhismeedka iskaashi ee dhex-maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha ay kamid yihiin;

Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate).

Si kastaba, Heshiiskan ayaa kor u qaadaya wada-shaqeynta hay’adda taya-dhawrka iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka, sidoo kalena sahlaya in si dhow ula socdaan agabka elektarooniga iyo kuwa isgaarsiinta ee Soomaaliya la keeno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here