Baydhabo (caalamka.net) – Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay sii deysay gaadiidkii xamuulka ahaa ee todobaayadii lasoo dhaafay ku xayirtay duleedka magaalada Badhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurtan oo u rarneyd ganacsato ay ugu dambeyn gaareen Baydhaba, kadib markii ay fasaxday Shabaab.
Arrintan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen odayaasha deegaanka oo wadahadal la furay kooxda, kadibna ku qanciyay inay fasaxaan gaadiidkaas.
Ma cadda in sii deynta gawaaridaan inay la xiriirto in gebi ahaan ay kooxdu qaaday go’doominta ay gelisay Baydhaba oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.
Dhank kale, Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in baabuurta lasii daayay, balse waxa ay ganafka ku dhufatay inay wada-xaajood la gashay kooxda Al-Shabaab.
La-taliyaha Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday inay xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka, si looga fogeeyo aagga Baydhaba.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay go’aan ku gaareen in ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Federaalka laga howlgeliyo deegaannada ay joogaan Shabaab, si looga qabsado.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Baydhaa ka taagnaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay go’doominta ay Al-Shabaab galiyaan magaaladaasi.
Go’doominta ayaa sababtay sicir barar waxayna maciishadu gaartay labo laab qiimihii horay loo iibin jiray halka caanaha, xoolaha iyo waxyaabaha laga keeno miyiga ay joogsadeen.