Makka (caalamka.net) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay soo xiray moosinka xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ka hadlay Adeegga Xajka ee sanadkan.
Roobow ayaa shaaciyay inay jiraan qaar kamid ah shirkadihii ka shaqeynayay Adeegga Xajka ay fulin waayeen adeeggii laga rabay, gaar ahaan basaskii lagu qaadayay Xujeyda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkaduhu ay basas usoo kireeyeen Xujeydu, balse la waayay, isaga oo sheegay in caqabaddu ay ka timid qoylaha laga soo kireeyay baabuurta.
“Sanadkan Xajka waa la dadaalay wax yar oo dhib ah wuxuu kasoo laabtay basaska, kuwaas oo ay innoo soo kireeyeen shirkadaheenna, laakiin xoogaa dhib ah uu kasoo laabtay oo basaskii la waayay” ayuu yiri Sheekh Mukhtar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay Adeegga Xajka, gaar ahaan basaska, ayna ku jirto lacagtaas gacan aamin ah.
“Lacagtii mucdankeeda waa laga soo celiyay qoladii iyaga ahaa sida la sheegayne gacan aamin ah ayey ku jirtaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu mahad-celiyay dowladda Sacuudiga oo markii dambe gaadiid siisay Xujeyda Soomaaliyeed, inta ay ku guda jireen gudashada acmaasha.
“Markii basaska la waayay Xajka uma istaagin oo runtii dowladda Sacuudiga ayaan u mahadcelineynaa wixii aan u baahanay oo gaadiid ah way naga kaabeen” ayuu sii yiri.
Si kastaba, sanadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad, taas oo gaaraysa 11,500 oo xujey ah, kuwaas oo ka baxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka.