Muqdisho (caalamka.net) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah u billowday dhageysiga kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex-maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee TikTok.
Kiiskaan oo loo haysto Sharmaarke Xuseen Jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billowday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo isaguna kamid ahaa dhallinta TikTok-ga isticmaasha.
Falkaas ayaa dhacay 29-kii Juun ee sanadkaan, xili ay ku soo wada xifaal-tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan, halkaasi oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha TikTok-ga, sida laga horsheegay maxkamadda.
Sharmaarke ayaa markaas habeen kadib soo kaxeystay laba askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cismaan (Suleey), kadibna halkaas ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali.
Maxamed Abuukar iyo Suleey ayaa sidoo kale kamid ahaa eedeysanayasha dhageysiga maxkamadda ka soo hor muuqday. Waxaan maxkamadda laga hor sheegay in gacan ka hadalka isku beddelay dilka ee dhalinta TikTok-leyda dhexmaray uu markii hore ku billowday Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha.
Xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ayaa intii socday fadhiga maxkamadda, ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen cadeymo lid ku ah eedeysanayaasha kasoo hormuuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Intaas kadib waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka Xasan Shuute, isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka ay gadaal kasoo sheegi doonto maxkamadda.
Ma ahan markii u horreysay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u fadhiisato ka dhashay TikTok, ayada oo horraantii sanadkaan go’aan ka gaartay kiis la yaab leh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Hoos ka daawo muuqaalka