Muqdisho (caalamka.net) – Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay shan xubnood oo isugu jira xildhibaano iyo senatarro.
Xubnahaan ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Urur Goboleedka IGAD loo dhisayo.
Guddoonka labada aqal ayaa waqadaan ay sida wadajirka ah u soo saareen waxaa lagu faray xoghayaha guud ee baarlamaanka dalka inuu liiska xildhibaanadaan u gudbiyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sida ku cad warqadaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda u xil saaray in liiska xildhibaanadaan ay ku wareejiso hoggaanka urur goboleedka IGAD.
Xubnahaan oo hadda ka kala tirsan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalkeenna ku meteli doona baarlamaan cusub oo loo dhisayo urur goboleedka IGAD.
Shanta xildhibaan ee Soomaaliya meteli doonta ayaa kala ah:
1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh
2 – Xildhibaan Maxamed Axmed Aadan
3 – Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac
4 – Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar (Naasrato)
5 – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
Urur goboleedkaan IGAD oo markii ugu horeysay baarlamaan cusub sameysanaya waxaa ku mideysan dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto, waxayna dhowrkii biloodba mar ka shiraan arrimahooda.