Muqdisho (caalamka.net) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta la horgeeyay illaa saddex mas’uul oo ku eedeysan xatooto xoolo dadweyne, kkuwaas oo ka kala tirsan Bankiga Dhexe iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.
Sadexda mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Abuukar Maxamed Cali 2-CCabduqaadir Cabdi Socdaal 3-Maxamed Aadan Cabdullaahi.
Eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka qayb qaatay lunsashada lacag dhan illaa 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar.
Sidoo kale ninkan ayaa xeer ilaalinta waxay ay ku soo eedeysay inuu adeegsaday warqado dowladeed oo been abuur ah oo uu leeyahay xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka.
Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa loo haystaa inuu lunsaday $83,630 (Sideetan saddex kun, lix boqol iyo sodon dollar) sida ay shaacisay xeer ilaalinta qaranka.
Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cabdullaahi ayaa isna lagu soo eedeeyay inuu wax ka lunsaday lacag dhan 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar oo ah eedda loo jeediyay eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed oo sidoo kale ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda.
Saddexda eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay dhammaan eedaha loo jeediyay, waxaana haatan socda dooda kiiskooda.
Raggan ayaa sidoo kale ka mid noqonaya mas’uuliyiin dhowr ah oo ku eedeysan musuq-maasuq, kuwaas oo lasoo xiray, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.
Maxkamadeynta ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.