Dar Es Salaam (caalamka.net) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka dhacay Kuliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho.
Xamza oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Tanzania ayaa hadal jeedintiisa kusoo kooban tacsi uun, taas oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.
“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa”
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, isla-markaana ah fuleynimo, sida uu hadalka u dhigay.
“Arrintaan waaa arrin laga xumaado waa fuleynimo aan horay uga soo baranay nimankaas ee dhibka badan” ayuu mar kale ku yiri Khudbaddiis ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Marmnaba ra’iisul wasaaruhu sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka.
Arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah in ra’iisul wasaaruhu uu tacsi uun ku soo kooban warkiisa, halkii uu qaadi lahaa tallaab degdeg ah oo ku aadan dhacdadaasi.
Cabeyd Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka falceliyay hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Ra’iisul wasaare tan hadda lama rabee waxna ma tareysee kuwa hadda qirtay inay ilmaha haligeen soo qabo oo mudankooda marsii hooyooyinkaa Soomaaliyeedna caloosha u qabooji”
Weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ahaa is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay xerada, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay Marka.
Si kastaba, weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan