Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Jowhar

0
28

Jowhar (caalamka.net) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan garooonka kubbada cagta Xasey Kumari.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in qaraxan lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo marayay halkaasi, balse ma cadda khasaaraha kasoo gaaray.

Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo madaxda HirShabelle oo ku aadana qaraxaas lala beegsaday ciidanka howlgalka ATMIS.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Horseed oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay.

Jowhar ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay falal amni darri, waxaana u dambeeyay qarixii todobaadkan lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo iyaguna ku sugnaa goobta, xilliga uu weerarka dhacayay.

Si kastaba, waxaa magaaladaan Jowhar horay weeraro culus uga fulisay Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here