Muqdisho (caalamka.net) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay markii labaad la dhageystay dacwad la xiriirta musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. Xubnaha shalay maxkamadda saarna ayaa ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Bankiga Dhexe ee dalka.
Khamiistii lasoo dhaafay iyagana waxaa maxkamad la saaray xubno ka tirsanaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale Khamiista soo aadan waxaa la filayaa in la maxkamadeeyo xubno ka socda wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Saddexdaan dhinac ayaa loo haysta lacag 21 Milyan oo dollar ah oo ay baarayaasha dowladda sheegeen in la xaday tan iyo 2018-kii. Xubno kale oo isla kiiskaan ku eedeysan ayaa ka maqan dalka.
Afar dhinac waa u faa’iido haddii kiiskaan ku dhamaado si sax ah oo caddaalad ah, kuwaasi oo kala ah;
Midda koowaad waa qaranka;
Muddo fog waxaa yareyd aaminada uu adduunka ku qabo dowladda Soomaaliya, sababaha keenaya aaminad darada waxaa kamid aheyd dhacdooyinka musuqa ee Soomaaliya dhigay kaalinta ugu hooseysay xagga musuq-maasuqa adduunka oo dhan.
Qaran si loo jeedo ula diriraya musuq-maasuqa maanta wuxuu helayaa kalsooni caalami ah iyo aaminad qaran.
Midda labaad waa dadweynaha;
Soomaalidu waxay u badan yihiin bulsho sabool ah, xooggaagii yaraa ee canshuurta iyo deeqaha ahaa waxaa lagu sameeyay musuq-maasuq xoog leh, dagaalka musuqa ah ee socda wuxuu badbaadinaya hantida dadweynaha Soomaaliyeed.
Midda saddexaad waa dadka xilalka loo dhiibay;
Dadka madaxda ah ee umadda xilka u haya in la xisaabiyo oo si joogta ah loo daba-galo iyaga ayay dan u tahay. Waxay kala badbaadinaysa iyaga iyo xoolaha umadda, oo ay waxay keenaysa inay noqdaan kuwa nadiif ah oo sharaf ku dhex jooga dadkooda iyo helista xoolo aan la tuhunsaneyn.
Midda afaraad waa kooxda xukunka haysa;
Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii ay kiiskaan si fiican u maareeyaan, si guudna ugu guuleystaan inay xadidaan musuqa xadhkaha goostay 14-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka xaabsan doonaan dhibco siyaasadeed, waxay ku guuleysan doonaan inay kor u qaadan dakhliga, waxa u sahlanaan doonta dhameystirka deyn cafinta, waxayna ka faa’iidi doonaan dhaxal siyaasadeed oo ay kula dhigtaan mucaaradkooda doorashada soo aadan.
Si weyn ayay dadka Soomaalida isha ugu wada hayaan gunaanadka kiiska hadda taagan ee musuqa iyo guud ahaan sida ay dowladdan u dhaqan-geliso mashruuceeda musuq-maasuq la dirirka.