Sawirro: Golaha wasiirada oo war kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0
21

Muqdisho (caalamka.net) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howlgallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Shirkan ayaa waxaa maanta guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Golaha ayaa shirkooda kusoo qaaday qarixii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku beegsatay ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaa uu goluhu tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka.

Dhanka kale, golaha ayaa dhegeystay warbixino ku saabsan guulaha haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Al-Shabaab ee ka socda dalka, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Guda ee Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale lagu ansixiyay illaa shan hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo la horgeeyay xubnaha golaha wasiirada.

Hindise sharciyeedyada la meel-mariyey ayaa kala ah:-

  1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
  3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
  5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here