Muqdisho (caalamka.net) – Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa markii u horreysay shaacisay in ay soo iibsatay karfan, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid kooxda Al-Shabaab.
General Zakiya oo ka qeyb-gashay barnaamijka awoodda 5-aad ee ka baxa Dalsan Tv ayaa sheegtay in karfanka u soo iibsatay si aan marnaba dhimasnadeed ugu cabsi-gelin kooxda uu dagaalka kala dhaxeeyo ee Shabaab
“Waxa aan soo iibsaday karfan, si aan dhimashada la iigu cabsi-gelin, taasi waxa ay ahayd khatartii u weynayd ee aan la kulmay,” ayuu tiri General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay sheegtay in tiraba dhowr jeer ay ka bad-baaday isku-day dil, islamarkaana ay hanjabaadaha argagixisada mar ku kalifeen inay ka baxdo dalka, oo ay ku laabato magaalada London ee dalka Ingiriiska.
“Labo jeer ayaan ka bad-baaday isku day dil anigoo Kornel ah, waxaana hay’adaha amniga ay isoo jeediyeen in aan 48 saacadood gudahood ah dalka kaga baxo, waxaana ku qasbanaaday inaan Ingiriiska ku laabto toddoba sano kadib, intaas kadib waxaan soo iibsaday Karfanka.”
General Zakiya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen tan iyo 2019-kii, xilligaasi oo ay warbaahinta aad uga soo muuqan jirtay, iyada oo ka warbixin jirtay howl-gallada ciidanka.
“Waa la isoo wacay sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa xiriirka la leenahay, khatar xooggan ayaa ku sugan tahay ayey idhaheen ee dalka ka bax, waxaa u tagay markaas Eng Yariisow AUN iyo Ducaale oo ahaa wasiirka amniga. Waxay dhaheen astaan qaran ee hadda naga dhimatid dhibaato waaye ee dalka ma ka dhooftid, kadib waxaa ku qasbanaaday in aan banaanka u baxo.”
Waxay intaasi kusii dartay “Karfanteyda ayaa soo iibsaday, saddex siyaabood ayaa usoo iibsaday, kow in dhimashadeyda la igu cabsi galin, laba in aan soo xasuusto adduunyada waxay tahay iyo midda saddexaad oo ah in aan si kasto awood u leedahay in aad maradaas yar ayaa aduunka uga baxe.”
Hoos ka daawo muuqaalka