Muqdisho (caalamka.net) – Ehellada sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo seddax bilood ku xiran saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ballidoogle ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in sarkaalkaas laga soo daayo xabsiga.
Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa Mucaawiye Cumar Cismaan, waxaana la sheegay in loo xiray kiis la xiriira Shabaabnimo, iyadoo laga soo xiray aagga degmada Balcad ee gobolka Galgaduud.
Intii aan lasoo xirin Galcad waxaa lagu laayey ciidan ka tirsan Danab iyo Abaanduulihii ciidankaas Xasan Tuure, sidoo kale inta aan lasoo xirin maalmo ka hor weerar culus ayey Al-Shabaab ka geysteen degaanka Budbud.
Ehellada sarkaalkaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in sarkaalka maxakamad lasoo taago.
Waxay sheegeen in aysan aqbali karin in sarkaalkooda uu iska xiraado, balse ay raali ku noqa doonaan hadii maxkamadi ay dembi ku hesho inta lasoo taago oo sharciga aysan ka weyneen.
Hase yeeshee waxay sheegeen in ninkaasi uu 3-bilood ku xiran yahay xerada tababarrada ciidamada Danab ee Ballidoogle, isla markaana taas aysan aqbali karin.
Sidoo kale waxgaradkii hadlay waxay sheegeen in ilaa inta uu cadaalad ka helayo sarkaalkaas aysan warbaahinta ka hor tegi doonin oo maalin kasta ay soo saari doonaan war ama qeylo dhaan cusub.
Dadkii ka hadlay kulankaas waxaa ku jirtay hooyadii dhashay sarakaalka xiran, waxayna sheegtay in seddax bilood aysan arag wiilkeeda, isla markaana ay dhibantahay.
“Waxaa la ii sheegay in wiilkeygii uu ku xiran yahay geed ku yaalla Ballidoogle hoostiis, halkaas ayuu Kudkude ku cunaa, waa lagu dhibaateeyaa halkaas, maxkamad lama soo taagin weli, laakiin hadda dowladda waxaan ka codsanayaa in wiilkeygu uu cadaalad helo,” ayey tiri Hooyadii dhashay sarkaalkaas.
Hoos ka daawo