Daawo: Saraakiil iyo askar horleh oo loo xiray weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0
23

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku howlan baaritaanka weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsanaa kuwa Xoogga dalka.

Weerarkan oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana ay sheegatay Al-Shabaab ayaa dhaliyay tuhun xoogan, ayada oo su’aallo adag laga keenay.

Haddabe xaggee ayuu marayaa baaritaanka socda?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdifitaax Qaasim oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa ka hadlay weerarkaasi, isaga oo shaaciyay xog ku saabsan baarista socota.

Qaasim ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan askartii lagu dilay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Xaaladihii dhacay waan ka tacsiyeyneynaa shuhadadii ku dhimatay, dhaawacana ilaahey ha u bogsiiyo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris xoogleh, ayna wadaan laamaha amniga, sida talisyada Nabad-Sugidda, Booliska iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Dowladda waa dowlad hay’addo kala duwan leh iyaga ayayna mareysaa oo baaraya Nabad-Sugidda ay kamid tahay, Booliska uu kamid yahay, taliska ciidanka Xoogga dalkana uu kamid yahay” ayuu sii raaciyay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lasoo xiray illaa 14 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii mas’uulka ka ahaa xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

“Qaar badan oo 14 ah ayaa loo soo xiray oo saraakiil iyo askar ay kamid yihiin oo uu ugu sarreeyo taliyihii goobta mas’uulka ka ahaa, baaristaas gacanta ayaa lagu haayaa, sabab loo qariyana ma jirto ” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdifitaax Qaasim.

Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa geystay khasaare lixaad leh, waxaana ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada guutada 14-ka October ee Xoogga dalka, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here