Daawo: Xiisad ka taagan Masjid ku yaalla Muqdisho oo la’isku haysto

0
26

Muqdisho (caalamka.net) – Xiisad xoogan oo dhanka maamulka ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay masjidka Sheekh Xasan Kalweyne oo ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kaas oo kamid ah masaajidda caanka ah ee degmadaasi.

Qaar kamid ah jameecada masjidka iyo dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee masjidkan, waxayna ka hadleen xiisadda ka taagan halkaasi.

Arrintan ayaa ka dhalatay, kadib markii la’isku qabtay guddiga maamulka ee masjidkan, waxaana la sheegay inay la wareegeen xubno cusub, halka kuwii hore laga wareejiyay.

Khadiibkii hore ee masjidka oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in buuqa uu soo taagnaa 2-dii bil ee lasoo dhaafay, ayna dacwad geeyeen wasaaradda diinta.

“Aniga oo oo u hadlaayo masaajijkan jameecadiisa ku dhowaad laba bilood ayuu gacanta ka maqan yahay dacwad in badan ayaan ku noq-noqay wasaaradda diinta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray madaxda sare ee dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay soo farageliyaan doodda ka taagan masjidka Sheekh Xasan Kalweyne.

“Qof walbaa oo mas’uuliyadda dowladda ay hoos imaaneyso waxaan ka codsaneynaa in masjidkamn arrimihiisa lasoo farageliyo, waxna laga qabto arrintan” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale mid kamid ah jameecada masjidka oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay, sida ay wax u jiraan iyo qaabka ay ku bilaabatay arrintan.

“Waxaan dacwo ka nahay masaajidka ku yaalla Xamarjajab oo magaciisa la dhahaayo Sheekh Xasan Kalweyne oo ku yaalla xaafadda Shaamow masaajidkaas oo la haayay 80 sanno, waxaa loo dhiibay dad aan waxba ka ahey, taas dacwo aan ka nahay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyyay “Waxaan ka rabnaa wasaaradda diinta iyo awqaafta inay noo soo saarto xaqeena oo dadkii hore loo soo celiyo mu’adinkii, imaamkii iyo guddiga ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here