Yaa ku wajahan Ceelbuur? – Sababta qabashadeeda u sameynayo macno (3 qodob)

0
21

Muqdisho (caalamka.net) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa shalay lagu soo bandhigay ciidan fara badan oo loo diyaariyay inay ku biiraan gulufka dhawaan ka bilaabanaya gobollada dhexe ee lagu xoreynaayo deegaano ay ugu muhiimsan tahay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Beesha Guriceel degan ayaa qabiil ahaan uga qeyb-galin wejigii hore ee dagaalka, maadaama aanay argagixisada dhul badan ka haysan, laakiin waxaa muuqata in wejiga labaad la siinayo ahmiyad gaar ah.

Degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur ayaa waqti fog gacanta ugu jirtay kooxaha argagixisada. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar laga saaray argagixisada, markaas oo ciidanka Itoobiya qeyb ka ahaayeen duulaanka.

Waxaa la xasuusta inuu madaxweyne Xasan Sheekh markaas tegay Ceelbuur. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan saldhig ka dhiganaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Hadafkiisa waa inuu argagixisada ka ciribtiro argagixisada Galmudug, si gaar ah waa inuu Ceelbuur qabtaa. Wejigii hore ee dagaalka waxaa argagixisada laga saaray degmooyin waaweyn laakiin la iskuma gurmad doonan sida Ceelbuur.

Dadka waxay isweydiinayaan waxa culeyska intaas le’eg u yeelaya duulaanka Ceelbuur, oo uu xitaa madaxweynihii qaranka u muujinayo ahmiyad intaas le’eg.

Waxaa jirta saddex sababood, kuwaasi oo kala ah;

1. Beelaha halkaa dega

Siyaasiyiinta, ganacsatada, saraakiisha iyo hoggaanka dhaqanka ee beelaha degan Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ma aanay muujin ka go’naasho weyn oo la xiriirta inay rabaan in argagixisada iska dulqaadan.

Halmar oo isku dey sameeyeen waa ku adkeysan waayeen furinta, maadaama aanay muujin baahi lamid ah beelaha kale, dowladda waxay ku qasbanaatay inay iyadu xal gaar ah u raadiso deegaanka.

2. Argagixisada oo xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur

Argagixisada waxay xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan sida ay xogo sirdoon xaqiijiyeen, waana midda dowladda gulufkaan u siinayso ahmiyad gaar ah.

Waxay aaminsan tahay argagixisada in qabaa’ilka halkaa degan inay iyaga difaaci doonaan. Horay beelihii deganaa degmooyinkii laga qabsaday ayaa u diiday inay difaacaan.

Lama yaqaano cidda ku qancisay kooxda inay beelahaasi argagixiso difaacayaan, taas oo haddii gunta la aado xaqiiqada aad uga fog.

Waxay dhowr jeer iibiyeen oo ay dadka deegaanadaasi ugu khudbeyeen in beelo kale kusoo duulayaan dhulkooda, iyaga oo ka raadinaya cimri-dheereysi.

Laakiin aragtida qabaa’ilka la isku diro hadda suuq badan ma leh, dadkuna badi waa ku baraarugsan yihiin dhamaan qorshooyinka cimri-dheereysiga ah ee kooxaha argagixisada.

3. Aragtida ah in haddii Ceelbuur laga soo saaro aanay kusii nagaan karin gobollada dhexe

Dadka arrimaha ammaanka ka faallooda waxay isku raacsan yihiin in haddii argagixisada laga soo saaro Ceelbuur in aysan kusii nagaan karin gobollada dhexe.

Waana sabab kale oo ahmiyad ballaaran siineysa gulufkaan uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here