Gobolka Banaadir oo shaaciyay natiijada Imtixaanka shahaadiga + 10-ka u sarreeya

0
20

Muqdisho (caalamka.net) – Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii afaraad uu qaaday maamulka gobolka Banaadir.

Munaasibadda lagu shaaciyay natiijada imtixaanka oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fariisteen 31,372 Ardey oo ka kala socotay 76 xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada gobolka Banaadir.

Sida uu shaaciyay Agaasimaha guud ee waxbarashada gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 30,837 Arday, halka tirada hartay ay gaareyso 535 Arday, kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb-galay shaacinta natiijada imtixaanka ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxbarashada gobolka la tayeeyay, isaga oo digniin u diray xarumo uu sheegay in qaab ganacsi ahaan ah loo furtay, oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Marka laga tago xaruma Waxbarasho oo tayadooda sareyso islamarkaana iska xilsaaray horumarinta waxbarashada, hadana waxaa jira kuwa qaab ganacsi loo furtay waana la xisaabtami doona,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Hoos ka aqriso magacyada Ardayda gashay 10-ka kaalmood ee u horreeya, kuwaasi oo kala ah;

1. Yacquub Maxamed Cadde Maxamed

2. Maxamed Cusmaan Cabdi Macow

3. Amal Cabduqaadir Maxamuud Kaahiye

4. Axmed Maxamed Calasow

5. Ayuub Cabdiweli Cumar Nuur

6. Xafsa Bashiir Maxamuud Maxamed

7. Cali Cumar Cali Faqay

7. Mustaf Salaad Cabdulle Xuseen

7. Abuukar Maxamed Faarax Cali

8. Asma Xasan Aadan Diiriye

9. Maxamed Cumar Cabdi Xuseen

10. Sundus Cabdiweli Nuur Cusmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here