DF Soomaaliya oo hadda ku baraarugtay cadow kale oo uga soo hoos baxay Shabaab

0
27

Muqdisho (caalamka.net) – Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii, waxay aheyd xiligii AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ka sameeyeen magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka difaaca Soomaaliya.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalkii amni darro ee caasimadda ka dhici jiray.

Tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka ee NISA ay baacsiga kooxda toos u bilowday waxaa jiray saraakiil soo shaqeeyay 5-tii sano ee ugu dambeysay oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta dowladda ku dhacaan oo la fahmo, taas oo suurta-gelineysa in laga jaaseeyo wixii ay ummadda u geysa jireen.

Kala firxadka dadkii basaasiinta u ahaa Al-Shabaab waxaa ka dhalatay in magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan dadka ku nool.

Raiisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa degmada Heliwaa in dadaal badan iyo isla xisaabtan dhab ah ay dowladu gelisay suurta-gelinta in lagu xafladeeyo degmadaas geeska u xigta caasimadda, taas oo muujinaysa in wax muuqda laga qabtay amniga magaalada.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa barihiisa bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiir Jaamac ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa intaa sii dheer oo ay Khawaarjtu heshay 5-aas sano kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan, shacabkayagow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu siday maanta tahay ma ahaateen. Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta.”

Dhinaca kale Abaabul xooggan ayey dowladdu ka wadaa gobolka Galgaduud, waxaa degmada Guricel lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee Al-Shabaab looga sifeynayo Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka bilaaba doona Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu u guuro Dhuusamareeb, halkaas oo howlgalka uu ka hoggaami doono, sidoo kale degmada Aadan-yabaal ayaa la qorsheeyey inay noqoto fariisinka 2-aad ee Madaxweynaha, degmooyinkaas ayuu Xasan Sheekh ku soo qaada doonaa laba bilood oo lagu soo afjayo wajiga 1-aad ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku-si ula dagaalanto qolooyinka loo bixiyey ‘Qaaqlayaasha’ iyo Khawaarijta Al-shabaab, maadaama ay isku af noqdeen, sida ay qabaan dadka la dhacsan sida ay dowladdu u wajaheyso dagaalka Al-Shabaab.

Kooxo aad isticmaala baraha bulshada oo u badan taageerayaasha Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa maalmahaan soo bandhigayey qormooyin muujinaya inay ka xunyihiin guulaha ay dowladda iyo shacabku ka gaarayaan dagaalka kooxda Al-Shabaab oo ku jirta waqti adag oo loo midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here