Muqdisho (caalamka.net) – Shaqo la’aanta iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa dhibaato weyn ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Sida lagu sheegay daraasado kala duwan oo sanadkaan gudahiisa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, waxay dhalinyarada Soomaaliyeed xilligaan faro ba’an ku haya labadaasi mushkiladood.
Colaadaha ka jira dalka ayaa inta badan ay daruufahaasi qasbeen in da’yar badan looga faa’iideysto, kuwaasi oo qeyb ka noqda falal amni darro, oo ka dhaca meelo ka mid ah Soomaaliya.
Si arrimahaasi is-biirsaday xal loogu helo, waxaa sanadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka shaqeynayay madal dhallinyaro aqoon-yahan ah ay sameeyeen, taasi oo da’yarta ka wacyi-gelisa maandooriyaha iyo in ay ku dhacaan falal halis ku ah naftooda.
Cabdifitaax Baashi oo loo yaqaanno Xawaari oo ah guddoomiyaha madashaasi oo lagu magacaabo Gobsoor ayaa VOA u sheegay inay xooga saaran in dhalinyarada is dhexgal sameeyaan, si looga badbaadiyo inay ku dhacaan waxyaabaha bulshada dhibaateeya.
“Waxaa qabanaa dooddo looga wacyi-gelinayo dhalinyarada Maandooriyaha, haddii ay ahaan laheyd dhanka caafimaadka, bulshada iyo weliba mustaqbalka qofka. Taas ayaa noo horseeday in dhalinyaro badan nagu xirmaan oo kuwii isticmaalayay iyo kuwan isticmaaleyn oo halkaas wacyi-gelin loogu sameeyo,” ayuu yiri Cabdifataax Xawaari.
Waxa uu intaas kusii daray “Guud ahaan dalka waa ka jirta shaqo la’aan, ha u badnaato dhalinyarada, sababta keenaysana waa dalkii dhalinyarada u badan, ka madal ahaan waxaan sameyna dooddo iyo tababaro, doodahaas oo uga doodayno sida qofka dhalinyarada ah hal abuur ula iman karo haddii uu la imaadana halka ay wax uga sahlanaan karo.”
Si kastaba, shaqo la’aanta iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa ah dhibaato weyn oo wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, taasi oo u baahan in wax laga qabto ka dowlad ahaan iyo bulsho-ba.