Deni oo ka hadlay muddo kororsiga la sheegay inuu wado, kuna dhowaaqay inuu…

0
21

Garoowe (caalamka.net) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay muddo kororsiga ay mucaaradka Puntland ku eedeeyeen inuu isku dayayo.

Deni ayaa arrintan kusoo qaaday khudbad uu ka jeediyey magaalada Garoowe, oo ay ka dhacday xaflad loo sameeyey xuska maalinta Puntland ee 1-da Agoosto, sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtey asaaskii Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto, taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey.

Waxa uu u hamblayeeyey Golaha wakiilada ee isbeddelka ku sameeyey dastuurka Puntland, waxaana uu 25 Luuliyo oo ahayd maalinta isbeddelka lagu sameeyey dastuurka ku tilmaamey maalin weyn.

Madaxweyne Deni waxauu sheegay in Puntland ay leedahay xisbiyo siyaasadeed uu soo dhaweynaayo kala aragti duwanaanshaha.

Ugu danbeyn waxa u ku dhawaaqey in uusan rajeyn oo qorshsha ugu jirin in maamulkiisu muddo kororsi samaysto.

“Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

“Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo,” ayuu yiri .

Xisbiyada siyaasadeed ayuu ugu baaqey in ay soo magacaabaan xubnihii guddiga doorashada uga mid noqon lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here