Daawo: Warkii taliye SHUB oo beenoobay kadib markii ay ka daba tegtay dowladda

0
22

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin oo uu wehlinayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xasbiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka ayaa u kuur-galay xaaladda xasbiga iyo maxaabiista, isaga oo daba socda hadalkii uu dhowaan sheegay taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub), kaas oo shaaciyay in xasbiga ay ka jirto cadaalad darro, isla-markaana qaar kamid ah maxaabiista ay 10 sanno iska xiran yihiin, ayaga oo dhameystay muddada.

Xasan Macallin ayaa sheegay inay la kulmeen maxaabiista xiran, isla-markaana waxa uu beeniyay in ay jirto arrintaasi, isaga oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray taliyaha.

“Kow waxaan rabaa inaan ka jawaabo taliyaha maalin dhaweyd waxa uu sheegay 10 sanno oo rumaan ah dadaa ku xiran taliyuhu markii uu intaas sheegay oo maanta la’isku yimid horta waxaa innoo cadaatay 10 sanno oo rumaan ma jirto” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Wasiir Cadaaladda ayaa sidoo kale qiray inay jiraan maxaabiista qaar oo dhammeystay xukunkooda, isla-markaana ay maalmo ugu darsantay, arrintaasna ay xallinayaan.

“Waxaa jira oo taliyuhu sheegay qofkii meeshaas ku xiran ee muddada dhaafa maalin haddii uu dhaafo inuu isaga 10 sanno uga dhigan tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Taliyuhu waa mahadsan yahay waxaase u qaadaneynaa inay aheyd qaylo dhaan 10 sanno haddii aysan aheyn oo ay hal maalin noqotay waa wax weyn”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diiwaan-geliyeen tirada maxaabiista ay arrintaas ku dhacday, ayna si deg-deg ah uga howlgeli doonaan bahda garsoorka.

“Intiina muddada dhaaftay garsoorka iyo maxkamadaha waxaad ka heli doontaan cadaalad, muddada laga hadlaayana 10 sanno ma’ahan, umana dhawa” ayuu sii yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here