TALIYE lagu dilay dagaal culus oo xalay ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

0
24

Jowhar (caalamka.net) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxay si lama filaan ah, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo isaga horyimid duleedka deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya inay kala shakiyeen ciidamada, kadibna uu dagaalka sidaas ku billowday, kaas oo qaatay ku dhawaad hal saac, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday furinta hore ee dagaalka ka socda xadka kala qaybiya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Gaduud, kadib markii kala shakiyeen labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta ay geeriyootay ay gaarayaan illaa afar, halka ay dhaawacmeen 5 kale oo ah dhinacyada dagaalamay.

Dadka dhintay waxaa ku jiro Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad guutada Cumar Binu Khadaab ,kaas oo la sheegay inuu horkacayay ciidanka ku sii jeeday furimaha dagaalka.

Sarkaalkan oo dhalinyaro ahaa iyo ciidanka uu hoggaaminayay ayaa ka baxay xerada Maslax oo lagu diyaarinayay maalmihii dambe, si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay halkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dagaalama dhexdooda, waxaana sababa is faham-waa mararka qaar soo kala dhex-galo ama inay kala shakiyaan, taas oo keenta isku dhac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here