Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo qaaday howlgal ka dhan ah Shabaab

0
40
Nairobi (caalamka.net) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa si wadajir ah howlgal culus maanta uga sameeyay deegaano u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab ayaa waxa ay labada dhinaca ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka xeebta Lamu ee dalkaasi, halkaas oo mararka qaar ay weeraro cuslus iyo qaraxyo miino ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa sheegay inay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga deegaanadaasi oo maalmihii dambe ay xaaladdoodu liidatay, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab.

Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen labada dhinac, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha gaarka ah ee qumaatiga u kaca.

Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee haatan kusii xoogeysanaya xadka Soomaaliya.

Sidoo kale waaxda difaaca Mareykanka ayaa intaasi kusii dartay  in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga guud ahaa Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dariskeeda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda Kenya wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay weerarada Al-Shabaab, kuwaas oo dib u dhigay qorshihii furitaanka ee xadka labada dal.

Kenya iyo Mareykanka ayaa labaduba qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka.

Waxay sidoo kale weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada lagu burburinayo kooxda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here