Daawo: Arrintii shalay ka dhacday BF oo fasiraad laga bixiyay – Yaa loo socday?

0
45

Muqdisho (caalamka.net) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable wuxuu kaga hadlay arrintii shalay ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib markii wasiirka cadaaladda & dastuurka laga saaray kulan ay ku lahaayeen Villa Hargeysa.

Wasiirka ayaa kasoo daahay kulankaasi, oo ay su’aallo ku weydiin lahaayeen xildhibaanada, maadaama uu u gudubiyay hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, waxayna maqnaashihiisa buuq ka dhalisay golaha, kadib markii ay xildhibaadu dood ka keeneen.

Khaliif Cabdi Cumar oo fasiraad ka bixiyay arrintaas ayaa sheegay in wasiirka lagala dul dhacay caro loo qabay ra’iisul wasaare Xamza iyo golihiisa wasiirada.

“Caradaas waxaa rumeysanahay in ay tahay dhangad loo waday rag kale inay ku dhacday wasiirka cadaaladda, waxaa loo waday ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada dhamaan waa u careysan yihiin xubnaha baarlamaanka” ayuu yiri xildhibaan Khaliif Cabid Cumar.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in golaha wasiirada loo haysto shaqadooda, maadaama ay yihiin golaha fulinta ee dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda waxaa lagu heystaa waa howlwadeenadii dalka, annagu waxaa nahay sharci dajiye, xiriirkeenu wa inuu furan yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in xildhibaanadu ay metalaan guud ahaan shacabka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la shaqeeyaan xukuumadda, si ay xog u helaan kadibna ay ugu celiyaan dadkooda, si ay ula socdaan wax kasta oo dhacaya.

“Xildhibaanada waxa ay metalaan shacab waxay rabaan xog ay kula noqdaan dadkooda oo haddii ay su’aallo weydiiyaan aqbaar ay rabaan inay kula noqdaan” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii la soo dhaafay baaralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday qorshe uu kula xisaabtamayo xubnaha Golaha Wasiirada, taas oo si weyn looga dareemay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here