Muqdisho (caalamka.net) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku beegsadeen ciidamada dowladda Somalia.
Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla Arbacow, ayada oo meesha ay isku fara saareen labada dhinac.
Ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Saldhigga lasoo weeraray ee Arbacow ayaa kamid ah saldhigyadii ay maamlo kahor wareejiyeen ciidamada ATMIS oo haatan bilaabay qorshahooda ka bixitaan Soomaaliya.
Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab dagaal ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Weerarkaas ayaa waxaa ka dambeeyay xubno watay gaari Hoomey ah oo beegsaday bar koontarool oo ku taalla waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka degmada Dayniile, ayaga oo meesha ku dilay ugu yaraan 5 askari, waxayna muddo kooban la wareegay koontaroolka.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay hakad-galeen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka.