Al-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer + Ajaaniib ku jira

0
46

Muqdisho (caalamka.net) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada shan is-miidaamiye ee dhawaan weeraray saldhiga Buulo-Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Muuqaal ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo dhex muuqday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi, kaasi oo askar badan looga laayay ciidamada Uganda.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa khudbad u jeedinaya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, kaasi oo kasoo dhex muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda, islamarkaana wajigiisa qarisay kooxda sida ay hore u sameysay.

Sidoo kale waxaa kasoo muuqday muuqaalka shan is-miidaamiye oo midkooda Ajnabi kasoo jeeda Kenya uu yahay, waxaana qaraxyada lagu beegsaday saldhiga Buulo Mareer ahaayeen kuwii ugu badna ee is-miidamiyayaal ah.

Is-miidamiyeyaasha Al-Shabaab ee qeybta ka ahaa weerarkaas ayaa intooda badan watay gawaari, waxaana daah-furay oo ugu horeeyay ninka kasoo jeeda Kenya, sida uu muuqaalka ku sheegay.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Magacyada is-miidamiyeyaasha ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa kala ah;

  1. Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa)
  2. Nuur Guhaad Bakar (Muniir)
  1. Jacfar Xasan Saciid (Abuu Faatima) oo ah Ajnabiga kaliya ee kamid ah is-miidaamiyeyaasha weerarkii Buulo Mareer
  2. Axmed Macallin Cabdi (Diini)
  3. Muudey Macallin Xuseen (Qac-qacaa)

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here