Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhiga ATMIS ee BUULO-MAREER

0
70

Buulo Mareer (caalamka.net) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa lagu waramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-marayy labada dhinac.

Kooxda ayaa saldhiga ku weeraray qaraxyo xiriir ah, sida ay sheegeen laba illo-wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga u sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale laga soo xiganayaa in Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay inay hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka, inkasta oo lasoo warinayo in labada dhinac waxyeelo gaartey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahintooda wax khasaare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here