Garoowe (caalamka.net) – Ajendaha dhalada ah ee Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa la shaaciyay, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.
Ajendaha la shaaciyay ee Kalfadhiga Golaha Puntland ayaa waxaa ugu badnaa qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.
Sidoo kale waxaa qayb ka ah ajendahaan ka doodista ammaanka Puntland, gaar ahaan ammaanka caasimadda Garoowe, oo dambe ay kasoo cusboonaatay xaaladda amni darro.
Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ee dagaalka ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC ayaa sidoo kale ku jirta ajendaha la sheegay ee kal-fadhiga baarlamaanka Puntland.
Waxa kale oo qeyb ka ah ajendaha Kalfadhiga Golaha Goolaha Puntland dowlado ilaalin ciidanka iyo saraakiisha-goboleedka Puntland, oo qeeb dambe ay ka taagnaayeen gobolada.
Hoos ka aqriso qodobka ajendaha oo dhameystiran;
Xeerka xeerka 42-aad fakaradiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland ee Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waa sidan;
- Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.
- Ansixinta Ajendaha Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiladda DPL.
- Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada DPL.
- warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada DPL.
- Xeerarka ay maamulku soo qabtaan/gudbiso.
- Dabagalka Hirgelin la’aanta go’aamadii Golahu soo saaray.
- Ka doodidda Mushaharka Ciidanka iyo taliyayaasha dawladda.
- Ka doodida Xaalada Gobolka Sool.
- Ka doodidda Amniga Puntland iyo kan caasimadda Garoowe.
- Go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira kiisaska 2023/2024.
- Ansixinta Xisaab xirka Sanad-maaliyadeedka 2022-ka.