Muqdisho (caalamka.net) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin dhowr nuxur xambaarsaneyd u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Farriinta Cabdiraxmaan ayaa la xiriirtay natiijadii dhawaan kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.
Dhowr qoddob oo macno leh oo farriintaasi ku jiray ayaa kusoo koobeyna warbixintaan, kuwaasi oo kala ah;
1. Muddo kororsiga
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in muddo kororsiga uu kamid yahay astaamaha kali-talisnimada iyo mid kamid ah waxyaabaha duminaya tiirarka dowladnimada.
Wuxuu Xasan ugu baaqay inuu meesha ka saaro muddo kororsiga, uuna maamullada ku amro inay xilligoodii ku qabtaan doorashada.
Wax ka beddelka muddada xil-haynta waxa uu ku taliyay in loo dhaafo guddiga gacanta ku haya Dastuurka, sidoo kale waxa uu Madaxweynaha weydiistay inuu dadweynaha la hadlo, una caddeeyo in isbeddelka muddada xil-haynta uu ka bilaaban doono muddo xileedka soo socda.
Qoddobkan waxa uu jawaab u yahay mashruuca shanta sano iyo maamullada loo kordhiyay.
2. Dastuur-jabin
Warsame waxa uu soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah, laakiin jidka loo maray waxa uu sheegay inay kasoo horjeedo qoddobka 47-aad ee Dastuurka dalka, kaas oo Golaha Shacabka xaq u siinaya dajinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo xisbiyada.
Tani waxay ku wajahan tahay qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo Baarlamaanka ka imaan, balse ka timid siyaasiyiin.
3. Ka-guurida nidaamka Baarlamaaniga ah
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir waxa uu sheegay in ka guurida nidaamka baarlamaaniga ah ee Soomaaliya waqtiga dheer kusoo dhaqmeysay loogana guurayo midka Madaxtooyada, inuu u baahan yahay afti Dastuur iyo cod dadweyne.
Wuxuuna ku tilmaamay mid ka gudda-weyn Golaha Wadatashiga Qaran.
Soomaaliya ayaa sidoo kale hore ugu soo dhaqantay nidaamka Madaxtooyada, intii uu dalka ka talinayay kacaanku, inkasta oo 1987-dii Maxamed Cali Samatar la siiyay kursiga ra’iisul wasaaraha, haddana majirin faa’iido weyn oo la dhaxlay.
Cabdiraxmaan waxa uu ku dooday in xasilloonida dalka iyo dardar-gelinta howlaha dowladda in aanay ku xirneyn qaab dhismeedka, balse ay ku xiran tahay sida Dastuurka iyo sharciga loo ilaaliyo, iyo sida loo dhaqan-geliyo isku dheeli-tirnaanta awooddaha dalka.
4. Maxaa damaanad ah?
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu su’aal ka keenay waxa dhacay haddii madaxda maamullada ay qaban waayan doorasho marka la gaaro bisha June 2024 ama 30-ka November 2024, wuxuuna madaxweynaha weydiiyay sida ay shacabka ugu qanci karaan madax afar sano wax tallaabo ah u qaadin doorasho qof iyo cod ah, inay hadda hal sano dalka ku xoreyn karaan kuna qaban karaan doorasho qof iyo cod ah.
Wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in xilligaasi muddo kororsi labaad uu dhici karo, maadaama aan la hayn wax damaanad qaadaya in madaxda maamullada ay qabanayaan doorasho.
5. Midnimada iyo heshiiskii golaha wadatashiga
Warsame waxa uu sheegay in heshiiskii 27-kii May, inuu u muuqdo mid gaar u ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama aan la sugin Puntland oo ka maqneyd, dhinaca kalena qabatay doorasho qof iyo cod ah.
Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu Puntland kusoo celiyo Golaha, si loo helo go’aano mid ah. In lasii kala maqnaado waxay walaac ku tahay midnimada.
6. Tallooyin
Tallooyinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur u diray madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah in xooggiisa isugu geeyo dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, uuna iska xiro waxyaabaha curyaaminaya dagaalka.
Inuu qabto shirweyne qaran oo looga hadlayo dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, hanaanka doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada iyo inuu dhinaca kale meesha ka saaro muddo kororsiga, ayaa kamid aheyd tallooyinka uu Warsame sida tooska ah ugu direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.