Askari dilay nin ku yiri “Jareer ayaa tahay” oo maanta ay go’aan ka gaartay maxkamad

0
30

Muqdisho (caalamka.net) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ka tirsan ciidamada milatariga dowlada federalka Soomaaliya, kaas oo sabab yaableh u dilay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xeri.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay maxkamadeynta askarigan oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee ilaalada qaran, kaas oo qirtay dilka lagu soo eedeeyay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Nuur ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuumka, kadib markii uu ku yiri Jareer ayaa tahay, taas oo la sheegay in askariga oo hubeysnaa uu dhibsaday, kadibna uu dilay ninkaas oo la oran jiray Xuseen Maxamed.

Xasan Xuseen Nuur ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda, isaga oo ku doodaya in lagu yiri Jareer ayaad tahay, kadibna fal-celintiisa ay noqotay in uu riishadda ku dhago.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqday xukunka, waxaana Xasan Xuseen Nuur lagu xukumaty dil toogasho oo ah qasaasta marxuumkii uu horay u dilay, sida uu sheegay Garsoorka Maxkamada Ciidamada.

Arrintan ayaa dad badan lama filaan ku noqotay, kuwaas oo hadal haya sababta la yaabka leh ee askariga u dilay marxuumka.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale horay u xukuntay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here