Afgooye (caalamka.net) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada howlgalka ATMIS ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolkaasi.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ATMISay uga hortegtay weerar gaadmo ah oo ay doonayeen inay kusoo qaadaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa ku dagaalamay agagaarka magaalada, waxaana ka dhacay dagaal qaraar oo ay guul weyn ka sheegatay ATMIS, kaas oo sidoo kale khasaare geystay
Afhayeenka ciidamada howlgalka ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, isaga oo shaaciyay inay uga hortageen weeraro abaabulan oo ay Al-Shabaab la damacsaneyd ciidamadooda.
Col Abdullahi Hassan ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana qayb ka ahaa weerarka gaadmada ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay gacanta ku dhigeen laba qoray iyo 130 xabbo oo rasaas ah, kadib markii ay dagaalka ku jebiyaan xubnaha Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxdan ay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee gobolka yaalla Shabeelaha Hoose, waxaana ugu dmabeeyay weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay ciidanka Uganda ee Buulo-Mareer.