Axmed Madoobe oo tegaya gobolka Gedo, shaaciyeyna qorshe uu wado

0
27

Kismaayo (caalamka.net) –Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ka hadlay arrinta gobolka Gedo, kadib markii uu maanta boqolaal qof oo reer Kismaayo ah uu ugu khudbeeyey goob ay ku oogeen salaadii Ciida Carafo.

Axmed Madoobe ayaa ku celceliyey in Gedo aysan sii ahaa karin sidaan, isagoo cid kasta oo wax ka gashay ka dalbaday inay maamulkiisa ku garabsiiso sidii Gedo loogu soo dari lahaa Jubbaland.

“Ragga maamula Gedo cuqdad kama qabno, anigaa tegaya, wasiiraa tegaya, madaxweyne ku xigeenkaa tegaya, xildhibaanaa tegaya, waxaan rabaa dadkaas wax kasta oo la isugu keeni karo inaan sameyno, gobolkaas wax uusan mudneyn ayaa dib u dhigay, waa inay meesha ka baxaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu siyaasiyiinta reer Gedo u sheegay in aysan jirin wax naceyb ah oo lah qof oo ka mid ah uu u qabo, isla markaana uu doonayo in gobolkaas dadkiisu ay ka baxaan maamul xumada, sida uu sheegay.

“Masuuliyad ayaa naga saaran gobolkaas dib u dhac badan oo ka jirana waxaa u keentay asbaab siyaasadeed, reer Gedo waxaan leeyahay intaas ha idin kaga filaato wixii dhibaato ah oo idin soo gaari lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maxaxweynaha Jubbaland, wuxuu sheegay in Gedo uu tegayo oo wasiirradiisu ay tegayaan, isla markaana xal loo raadi doono khilaafka siyaasadeed ee 3-dii sano ee lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas.

“Arrinta gobolka Gedo waxay noo tahay muhiim, Gedo waa Jubaland, waxaa jira wax siyaasadda lagu qalday, laakiin ma sii daba-geli doono wixii dhacay,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu qorsheynayo in Gedo laga sameeyo dib u heshiisiin, iyadoo qof kasta lagu tix-gelinayo mansabka uu ku dhex leeyahay bulshada gobolkaas oo uusan jiri doonin qof gooni loo riixi doono, sida uubalan-qaaday.

“Gedo waxaan u magacaabay maamul gobol, waxaan rabaa in la isugu yimaado oo qof kasta wixii uu tabanayo laga xaal-mariyo, kuwa maanta maamulka ka ah gobolka Gedo kuma jiro qof aan xumaan u qabno, waa inaad qaadataan masuuliyadiina, waxaan rabnaa in dadku wada noolaadaan iyagoo isku calool fiyow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here