Axmed Madoobe: Tareenka wuu soconayaa, cid hor istaagi kartana ma jirto

0
54

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo dood xoogan dhaliyay.

Axmed Madoobe oo ka qayb-galay casho sharaf loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si faah faahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii maalamahaanba u socday ee ay dhowaan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdishp.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana ay taladii ay dib ugu soo celiyeen dadweynaha Soomaaliyeed.

“War geesinimo ka badan ma garaneysaan? nimankii lagu tuhunsanayaa in iyaga ay gacanta ku heysaan oo waxay rabaan lasoo baxaan inay yiraahdaan dadweynow idinkaa talada idin kusoo celinay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Qof kastaa oo maanta Coment-bixinayay waa kii shalay lahaa kaligoo taliye ayaa meesha ka jira. Axmed Madoobe wuu iska fadhiyaa liisbuu iska soo qoran wuxuu rabuu sameynayaa, maantana wuxuu rabaa talada inuu gacanta ka bixiyo”.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadka dhaliilaya heshiiskooda looga baayahan inay dadweynaha u caddeeyaan ciladaha uu leeyahay.

“Cidda dood qabtaa bal inta ay dadweynaha si furan usoo hor istaagto ha tiraahdo ciladdaa kow, labo, saddex iyo afar ayaa ii muuqaneysa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tareenka uu dhaqaaqay, isla-markaana aysan jirin karin cid hor istaagi karta, sida uu ku dooday madaxweynaha maamulka Jubbaland.

“Qof kastaa oo isku daya inuu hor istaago ma kari karayo hadda, sababtoo ah dadkii hadda way dhaqaaqeen tareenkiina wuu soconayaa, taladiina gacantii shacabka ayey ku wareegeysaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here