BF oo wasiirka dhallinyarada ku qabsaday miisaaniyad ay dowladda Qatar yaboohday

0
37

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka dhalinyarada & ciyaahaha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiyay shaqada wasaaradda iyo sidoo kale guud ahaan ciyaaraha waddanka.

Wasiirka ayaa su’aallo adag kala kulmay xubnaha guddigan oo u yeeray, si ay ugala xisaabtamaan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Mid kamid ah xildhibaanada ku jira Guddiga Arrimaha Bulshada ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu dib u dhigay wasaaradda, sidoo kalena uu ka gaabiyay dib u dhiskeeda.

“Wasaaraddii dib u dhac ayaa ku sameysay dowladda Qatar diyaar ayey u aheyd budget-ka dib u dhiska wasaaradda 700 oo kun ayaa ku baxee,” ayuu weydiiyay mid kamida guddiga.

Maxamed Barre oo sidoo kale xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka horyimid su’aashaas, isaga oo sheegay in xildhibaanka looga baahan yahay caddeyn rasmi ah.

“Xildhibaane marka aan ku dhahaayo qiila iyo wa qaala annaga kuma shaqeyn karnee caddeyn aan ku shaqeyno” ayuu yiri wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Sidoo kal wuxuu raaciyay “Inaad doodo caddeyn ma aha waa inaad warqado keentaa oo tiraahdo waxaan ayaan haayaa af wax lagaaga soo sheegay looma baahna”.

Dhanka kale wasiirka ayaa waxaa laga weydiiyay horumarinta ciyaaradaha dalka, gaar ahaan waxa ka jira in tebinta Soprtiga loo xiray hal Telefishin oo kaliya.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in arrintaas ay sababtay wada shaqeyn la’aan ka dhex jirtay qaar kamid ah bahda warbaahinta iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo isku fahmi waayay hab tebinta ciyaaraha, balse waxa uu tilmaamay in hadda ay xalliyeen.

“Shalay ayaa u dambeysay xafiiskeyga muddo saddex saacadood dood dheer waxaa ku yeeshay oo aan ku dhex dhexaadinayay tv-yada gaarka ee tabiya Sportiga hoggaanadooda iyo xiriirka Kubadda Cagta oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa wax weyn iskuma khilaafsaneyn waxaa la’isku fahmi waayay oo kaliya qaabka tebinta,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu beeniyay in wasaaradda iyo xiriirkaba ay lacago ka qaadaan Talafishinada gaarka loo leeyahay marka ay kasoo warramayaan garoomada ciyaaraha.

“Hal doolar cid ka qaado malaha, waana soo weydiin kartaa, waana soo baari kartaa, laakiin  wixii war suuqeen ah waa gaar,” ayuu mar kale ku jawaabay wasiirku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here