Ciidamada DF oo howl-gal culus ka sameeyay deegaano dhaca duleedka Muqdisho

0
29
Muqdisho (caalamka.net) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkaasi oo qaatay muddo saacado ah ahaa waxaa si wada-jir ah u fuliyay ciidamo ka tirsan NISA, gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Booliska ee u tababaran sida milatariga.

Howl-galka ayaa waxa uu si gaar uga dhacay deegaanafa Geedfaqay, Sabyo, Beerta Cali Mahdi, Walaleey, Shirkada Gumar iyo Basro.

Taliyaha ururka ciidanka Duufaan Karkaar iyo Taliyaha ururka guutada koowaad ee ciidamada u tababaran sida milatariga Dhamme Maxamed Aadan ayaa hoggaaminaayey howl-galkaasi oo u dhacay si nabad ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howl-galkaan ay ciidamada kusoo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu sameynayo baaritaano dheeraad ah.

Deegaana la beegsaday ee uu ka dhacay howl-galkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ay howl-gal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Afgooye, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaas waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galladan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here