Muqdisho (caalamka.net) – Kooxda la baxday dowladda Islaamka (IS) ayaa xaqiijisay in hoggaamiyahooda Abu al-Xuseyn al-Qurayshi lagu dilay waqooyiga Suuriya iyagoo sheegya in nin lagu magacaabo Abu Xafsa al-hashami al-Qurayshi lagu beddelay.
Abu Hudhayfa Ansari oo ah afhayeenka cusub ee ISIS ayaa warka ku sheegay cod 30 daqiiqo soconayay oo lagu wadaagay barta Telegram-ka.
Wuxuu sheegay in Abu al-Xuseyni al-Qureyshi lagu dilay gobolka Idlib, kadib markii ay dagaallameen iyaga iyo “Howlgalayaal” shirdoonka Turkiga ka tirsan.
Hadalkan ayaa lagu tilmaamay inuu ula jeedo kooxda Bashar al-Assad ee ka horjeeda, Afhayeenka ISIS wuxuu sheegay meydka hoggaamiyaha in lagu wareejiyay Turkiga, kadib markii la dilay.
Saddex bilood ka hor ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdpogan ku dhawaaqay in Abu al-Xuseyn al-Qarayshi ay dileen sirdoonka Turkiga.
Afhayeenka cusub ee ISIS ayaa sheegay in afhayeenkii hore ee kooxda, Abu Cumar al-Muhajir, ay qabsadeen ciidamada Turkiga.
Abu Xuseyn al-Qurayshi wuxuu noqday hoggaamiyaha ISIS bishii Nofembar ee sanadkii hore. Waa hoggaamiyahiii saddexaad kooxda oo la dilo in ka yar labo sano. Wax fariin ah dhawaan ma soo dirin.
Markii kooxda awoodooda ay aadka u sareysay 2014-kii oo ay haysatay qeybo Syria iyo Ciraaq ah ayey ku dhawaaqeen inay yihiin khilaafada adduunka.
Inkastoo awoodda kooxda la wiiqay, hadana ciidamo ayaa u jooga dhowr dal, waxaana walaac laga muujinayaa howlaha ay ka wadaan dalka Afghanistan oo isagu gacanta u galay Taalibaan.