Muqdisho (caalamka.net) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto rag ku eedeysan inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.
36 maxbuus oo ajaanib ah ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda, waxaana halkaas la isku dhaafsaday soo jeedinta eedeymo ka yimid xafiiska xeer ilaalinta iyo difaaca qareenadii u doodayey eedeysanayaasha.
Ajaanibtaan ayaa u kala dhalatay dalalka Iiraan iyo Bakistaan, waxaana laga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.
“Waxay ku howlanaayeen xaalufin adag oo xeebaha dalka ay ka wadeen, shamaag dunida laga mamnuucay ayey ku guranayeen kalluunka xeebaha Soomaaliya, waxaana lagu soo qabtay in ka badan 30 tan oo kalluun ah,” ayaa lagu yiri eeda ka timid xeer ilaalinta.
Xeer ilaalintu waxay maxkamadda ka codsatay in raggaan lagu ciqaabo in mid kasta uu bixiyo $10 kun oo ganaax ah, isla markaana lala wareego kalluunkii ay soo jilaabteen iyo agabka kale oo ay wataan.
Dhankooda qareenada u doodayey ayaa maxkamadda ka codsaday in la iska fasaxo raggaan, maadaama ay yihiin ajaanib muddo badan ku jirtay gacanta dowladda Soomaaliya.
Dacwadaan oo muddo soo socotay, isla markaana loo fariistay seddax jeer ayaa dhageysigeeda waxaa maanta soo gabagabeysay maxkamadda gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan ayaa ugu dambeyntii warbaahinta u sheegay in maxkamaddu ay go’aan rasmi ah ka soo saari doonto xukunka 36 nin ee ajaanibta ah oo lagu soo qabtay kalluumeysi sharci darro ah oo xeebaha Soomaaliya ay ka wadeen.
Hoos ka daawo