Daawo: Ammaanka magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay + Ujeedka

0
31

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xoojisay ammaanka Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna ka billowday howlgallo culus.

Ujeedka ayaa ah u diyaar garowga maalmaha xoriyadda iyo munaasabadda Ciidul Adxaa oo haatan nagu soo foodleh.

Caawa ayaa la filayaa in la qabto munaasabadda 26-ka June oo loogu dabaal-dagayo marka ay xornimada qaateen gobollada waqooyi oo hadda la yooqaano Somaliland.

Ciidamada ammaanka oo ka duulaya munaasabadadaasi isku soo aaday ayaa howlgallo ka bilaabay gobolka Banaadir, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in lagu sugayo amniga.

Wararka ayaa sheegaya in xalay ciidamada Booliska ay gaareen degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaano dad lagu soo qab-qabtay.

Sarkaal u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ujeedka howlgalkooda, isaga oo tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan caasimada.

“Maalmaha xoriyadda iyo ciida ayaa kusoo foodleh dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxaana adkeyneynaa amniga Muqdisho” ayuu yiri saraak ka tirsan ciidanka Booliska.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgallo guud oo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagu dagaalamayo burcadda iyo maan dooriyaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here