Daawo: CALI JEYTE oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub “HIIRAAN STATE”

0
35

Beledweyne (caalamka.net) – Cali Jeyte Cismaan oo xalay uu madaxweynaha HirShabeelle ka qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa hagaajin ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in maanta kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhamaystirka maamul gooni ah oo la sheegay “Hiiraan State”.

“Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystay, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Waxa uu sheegay in gobolka Hiiraan maxaabiis ay mamnuuc ka tahay qof ka tirsan ama sheeganaya maamulka HirShabeelle, “Haddii Beledweyne uu joogo qof sheeganaya magaca HirShabeelle, meesha uu ka dhoofayo ma ahan Hiiraan ee malaha biyo baxa uu sii raaci doono.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka HirShabeelle aysan iman karin gobolka Hiiraan, “Mid maxkamadda jira ma iman doono.”

Bandow ayuu kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo iclaamiyay inuu xiran yahay garoonka Beledweyne iyo sidoo kale uu xiran yahay dhulka, oo isku socodka uusan shaqeynayn.

“Diyaaradii isku day in ay si qalad ah wax kusoo qaadaa Wallaahi Billaahi Tallaahi dhulka soo dhigey, ma joogno macalinkii Shabaab noo saarna oo Soomaaliya inteeda badan maanta waa xor,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Jeyte ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in go’aanka cusub ee maanta uu ku dhawaaqay inuu ka soo jeedo bulshada gobolka Hiiraan, oo uusan karin mid uu kaligiis iska wato, sida uu sheegay.

“Waxaa ku hadlaya dareenka bulshada oo hore ayaa u soo qabtay oo maalina is-hortaga sameeyay ma jiran ee waxa ku hadlaya dareenka Cali Jeyte ma ahan ee waa dareenka bulshada,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here