Daawo: Culimo qaaday tallaabo la xariirta dagaalka Laascaanood

0
50

Nairobi (caalamka.net) – Culumada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isugu timid shir ay ka soo saareen bayaan ay ku dalbadeen in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Culimada ka hadashay colaada Laascaanood waxaa ka mid ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Shibli, Sheekh Maxamed Sheekh Cusmaan, Sheekh Cismaan Calasow iyo Dr. Maxamuud Abuu Sheyba.

Culimadaas oo mid mid ula hadashay warbaahinta ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood inay joojiyaan daadinta dhiigga dadka muslimiinta ah.

Sheekh Maxamuud Shibli ayaa warbaahinta u akhriyey bayaanka ay culimada magaalada Nairobi ka soo saareen dagaalka ka socda Laascaanood iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

“Waxaa Laascaanood ka dhacday dhibaato aan la soo koobi karin, waxay culimadu si naxariis iyo islaanimo leh uga codsaneysaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb-qaataan gurmadka qoysaska ay saameysay colaada Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka culimada.

Sidoo kale bayaankaan ayaa farriin loogu diray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, iyadoo laga codsaday inay kaalin ka qaataan gurmadka dadkaas iyo joojinta colaada ka taagan Laascaanood.

Culimada ayaa guddi seddax Sheekh ka kooban u xil-saartay inay uruuriyaan taakulada loogu gurmanayo dadka ay saameysay colaadka magaalada Laascaanood.

Dhowr bilood waxaa magaaladaas iyo hareereheeda ku dagaalamaya ciidamada Somaliland iyo kuwo is abaabulay oo loogu yeero SSC, waxaana culaadaas ku dhimatay tobanaan qof oo labada dhinac ah.

Dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka soo hor jeestay inay maamusho Somaliland, waxaana go’aankii bulshada deegaanka ka dhashay dagaal weli socda oo Somaliland looga faro-maroojiyey maamulkii magaalada muhiimka ah ee Laascanood.

Hoos ka daawo bayaanka culimada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here