Daawo: DF oo suuqyo cusub caalamka uga raadineysa xoolaha Soomaaliya

0
29

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa ka hadlay barnaamijka ay ka daawanayaan Himilooyinka ee dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij ka baxay warbaahinta laga wareystay dhoofka xoolaha Soomaalida ee caalamka loo iib-geeyo, gaar ahaan sawirada.

Xilligaan sanad kasta waxaa suuq u yeeshaa xoolaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhowdahay ciidamada Carafo oo dunida muslimka laga qalo xoolo badan oo Udxiyo ah.

Sanadkaan waxay ganacsatada Soomaaliyeed qaar ka mid ah muuqaalka dunida Muslimka u dhoofiyeen xoolo aad u badan, kuwaas oo suuq fiican ka helay dalal u badan Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxay fureysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub oo ay u iib geyn karaan karaanhooda, sida uugaan ku sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya.

“Waxaan ka shaqeyneynaa in aan Suuqyo hor leh u helno iibka xoolaha Soomaaliya, waxaa socda xiriirro meel wanaagsan maraya oo aan ku raadineyno suuqyo cusub,” ayuu yiri wasiir Xasan.

intaas wuxuu ku sii daray, in sanadka soo socda ay safkaeyso in laba u jibaar ay ku kororsto tirade xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso caalamka.

“Waxaan rabnaa in suuqyo cusub aan ka helno Masar, Ciraaq, Indunisea iyo dalal badan oo kale, meel fiican ayuu qormadaas noo marayaa, dadka Soomaaliyeed inay dhoofsadaan, waxaan ku dadaali doonaa, taas ayaa naga go’an si dhaqaalaheenu u kobco,” ayuu yiri. hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Eelaay.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada xoolaha sanadka laga dhoofiyay Soomaaliya ay gaareyso in ka badan 1.2 milyan oo Neef.

“Qiyaasta aan hadda hayno ku dhawaad ​​1.2 illaa 1.5 milyan xoolo ah ayaa Xajka loo qaaday, tirada dhimashada marka ay dhammaatay ayaa lagu sheegi doonaa Insha Allah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here