Daawo: Laba agaasime oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka + Lacagta loo haysto

0
28

Muqdisho (caalamka.net) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta kasoo muuqday laba agaasime oo loo haysto musuq, gaar ahaan xatooto xoolo dadweyne.

Labada mas’uul ayaa ka ah Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  XFS iyo agaasimihii xilkan kaga horreeyay Maxamed Cadde Mukhtaar, kuwaas oo kamid ah mas’uuliyiinta haatan loo soo xiray musuq-maasuqa.

Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale eedda kusoo bandhigay lunsashada lacag malaayiin dollar ah oo loo haysto labada eedeysane, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka.

Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, taas oo la waayey intii u dhexeysay 6 August ee sanadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka.

Sidoo kale waxa lagu eedeeyay inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu sii xawilay lacagtaas oo uu uga faa’iideystay si shaqsiyan ah, sida lagu xusay eedda labaad.

Sidoo kale Maxamed Cadde Mukhtaar oo isna ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag gaareyso 3 milyan 604 kun iyo 900 oo dollar taas oo lagu waayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Maxamed Cadde ayaa sidoo kale loo haystaa inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu si shaqsiyan ah uga faa’iideystay lacagtaasi malaayiinta dollar ah.

Labada eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana haatan socda dood u dhexeyso qareenada iyo xeer ilaalinta qaranka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here